Waxay dheheen Noloshu waa sida beerta oo kale qof walbana waxa uu ku beerto ayuu miraheeda gurtaa, Dhamaanteen waxaynu leenahay riyooyin inoo gaar ah, kuwo xaqiiqo ah iyo kuwo xaqiiqada ka fogba, Qof walboo dunidan joogana wuxuu Maalin walba u soo kacaa si uu riyadiisa ugu badalo xaqiiq, wuxuuna qaadaa talaaboooyin uu aaminsan yahay inay gaarsiin karaan riyadiisa, halgankaas maalin laha ah waxaa bar bar socda guul darooyin joogto ah, niyad jab iyo turun turooyin aan dhamaad lahayn kuwaasoo ka dhiga dadka kuwo u qaybsama labo kooxood, koox guul daraysata oo bilowgaba shaaciya guul daradooda kuna maaweeliya naftooda marmarsiinyo ay kaga gabanayaan qaadida masuuliyada guuldaradooda halka kuwa soo harayna ay u noqdaan guul darooyinku cashar aysan ku hakan fahankiisa xoogana saaraan u gudubka Maraxaladaha Xiga Guul Darada.
Waxaynu maanta ka hadlaynaa Dad yaraantoodii inbadan dhagahooda ay ku soo noq noqotay waxaad tihiin kuwo guuldaraystay, dhadhamiyayna guul darooyin badan laakiin u dagaalamay xaqiijinta riyooyinkooda iskana dhaga tiray hadaladii niyad jabinta ahaa ee kaga imaanayay dadka kale.

Bill Gate:


Waxaa hubaal ah in ay yartahay in la helo qof dunidan jooga oo aan maqal magaciisa ama aan isticmaalin brogramkiisa, waxa uu ka mid yahay dadka ugu saamaynta badan dunida qarnigan, waxaana hubaal ah inuu guri walba oo kambuyuutar yaal uu galay magaciisu, bill gate yaraantiisii wuxuu ka tagay jaamacdii uu dhiganayay si uu u samaysto shirkadiisa u gaarka ah, goaankani ayaa ka dhigay mid tuhun galiya aqoontiisa iyadoo dad badan oo ku hareeraysnaa ay aamineen inuu ku fashilmay waxbarashadii taasina ay sabab u noqotay ka tagitaankiisa jaamacada, laakiin bill gate maanta waxaa lagu tiriyaa ninka labaad ee ugu hantida badan aduunka hanti gaaraysa 100 billion oo doolar iyo shirkado badan ayaa hoostaga bill gate maanta.

Winston Churchill:


Waxa uu ku guulaystay abaal marinta nobel brize sidoo kalena waxa uu labo jeer dalka ingriiska ka Noqday raysal wasaare isagoo ah raysal wasaarihii ugu saamaynta badnaa ee soo mara ingriiska, hadana taariikhdiisii hore waxay ahayd mid guul darooyinku ay cinwaan u ahayd, laga soo bilaabo waxbarashadiisii hoose oo uu fasalkiisii 6aad ku dhacay, sidoo kalena markii uu siyaasada soo galay waxa uu marar badana ku guul daraystay inuu ku guulaysto doorashooyin uu galay laakiin Churchill markii uu 62 sano Jirsaday ayuu ku Guulaystay jagada labaad ee ugu saraysa dalka ingriiska, guul darooyinkiisii isdaba jooga ahaana sabab uma noqon inuu is dhiibo.


Albert Einstein:


Waa hubaal in marka aad maqasho magaciisa aadan rumaysanayn in einstein uu ahaa qof noloshiisa hore ay ahayd mid guul darooyin ku salaysnayd laakiin ainstein waxa uu kamid ahaa dadka la soo kulmay Niyad jabintii ugu badnayd, yaraantiisii macalimiintiisu waxay sheegeen inuusan maskax ahaan fiyoobayn waxaana laga cayriyay iskoolkii uu dhiganayay markii uu damcay inuu iskool kale galana sidaasoo kale waa loo diiday inuu galo,  einstein ikhtiraaciisu maanta waxaa hubaal ah inuu ka dhigay nolosheena mid aad u sahlan internetka, iftiinka iyo technolojiyda casriga ah ee maanta aadamuhu ku raaxaysanayana ay sabab u ahayd, einstein maanta isaga iyo macalimiintiisiiba sanado badan ka hor ayay aduunkan ka tageen laakiin isaga saamayntiisii waxaa hubaal ah inay wali sii nooshahay halka kuwii shalay niyad jabinayayna aysan Taariikhdu Ahmiyad siin.

Thomas Edison:



Ma Malaysan Kartaa daawade sida ay noloshu ahaan lahayd maanta layrarka aan ifsanayno la,aantood waa hubaal in horumarkan maalinba maalinta ka dambaysa la gaarayo iyo isbadalkan joogtada ah ee aadumuhu ku talaabsanayaan aysan ahaan lahayn macquul iftiinkan la,aantii kawaran hadii qofka ikhtiraacay layrkan aan manta ifsanayno uu ahaa qof noloshiisii hore maray hadaladii niyad jabineed iyo guul darooyinkii ugu xanuunka badnaa ee uu qof maro, macalimiintiisii iskoolku waxa ay u sheegeen hooyadiis inaanu ahayn qof la socon kara ardaydii ficiisa ahayd oo uu maskax ahaan u xanuusan yahay, sidoo kale waxaa laga cayriyay labo shaqo oo uu ka shaqyn jiray iyadoo loo sheegay inaanu lahayn hal abuur iyo maskax fakari karta waxna ku soo kordhin karta shaqada uu qabanayo, sidoo kale markii uu damcay inuu hal abuuro layrka waxay ku qaadatay 999 jeer oo isku day ah kadib intaanu ku guulaysan hal abuurkiisa, Tomas edison waxaa hubaal ah in hal abuurkiisaasi uu ahaa hal abuurkii ugu qiimaha badnaa ee aadamuhu helo, hadii uu dhegaysan lahaa edison hadalada macalimiintiisa waxaa hubaal ahaan lahayd inuusan gaareen meesha uu gaaray.

Soichiro Honda:


waxa uu kamid yahay magaciisu magacyada ganacsi ee ugu tunka wayn aduunka shirkadiisa honda waxa ay sanad walba soo saartaa lacag gaaraysa 95 billion oo doolar halka ay u shaqeeyaan kumanaan shaqaale ah, honda yaraantiisii ma ahayn qof ahmiyad siiya waxbarashada heer uu gaaray in uu samaysto waraaqo been abuur ah si uu u qariyo darajooyinkiisa hooseeya ilaa uu markii dambe isaga tagay waxbarashada, wuxuuna aaday magaalada tokyo si uu shaqo u raadsado. Markii uu shaqada helayna mudo yar kadib wuxuu go’aansaday inuu samaysto shirkadiisa u gaarka ah, laakiin nasiib daro waxa ay ku soo aadantay Dagaalkii 2aad ee aduunka waana la burburburiyay warshadiisii. Guul darooyinkaasi isadaba jooga ahaa Kama dhigin honda mid ka niyad jaba gaarida meesha uu hayaanka u ahaa.


ugu dambayn Akhriste iswaydii kawaran hadii dadkaasi ay noqon Lahaayeen kuwo ay duruufuhu ka adkaadaan ma gaari lahaayeen meesha ay maanta gaareen?
Qof walboo inaga mid ah wuxuu xambaarsan yahay riyo u gaar ah, si uu riyadiisa uga miro dhaliyana waxaa laga maarmaan ah inuu la yimaado dadaalkeeda, dunidan guudkeeda waxaa kugula nool 7 billion oo qof hadii aadan u daadaalin waxa aad rabto ogow waxaa heli doona qof kale oo isla riyadaada ku riyoonayay markaasaad adna dhihi doontaa riyadaas waxay ahayd riyadayda.

Ogsoonowna Akhriste hadlka oranayo u shaqyso aduunyadaada sidii inaad waligaa Noolaanaysid, una shaqayso aakiradaada sidii inaad Bari Dhimanysid..