Ma laga yaabaa in dad sabool ah ay hormariyaan dal la daala dhacayay saboolnimo, jahli, iyo nidaam daro, se macquul ma tahay in 8 sano kaliya ay umadi ku gaarto isku filnaasho dhan walba ah, mana dhici kartaa in horseedaha guushaasi uu yahay hogaamiye aan nasiib u yeelan inuu dhamaysto waxbarashadiisii hoose saboolnimo daraadeed, Maqaalkeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa mid kamid ah guulihii ugu xiisaha badnaa ee umadi gaarto qarnigan
Brazil
– waxaa lagu tiriyaa dalka Brazil mid kamid ah dalalka ilaahay ku manaystay
dhulalka baaxada wayn iyo khayraadka dabiiciga ah, taasoo sabab u ahayd inay
noqoto dhul ay u soo tartamaan gumaystayaashii yurub iyadoo 3 qarni uu ka
talinayay gumaystihii burtugesku, sanadkii 1827 oo uu ka baxayna wuxuu uga
tagay maamulka iyo hogaanka dalkaasi kuwo isaga ka amar qaadanayay halka
dhinaca kalena uu ka tagay malaayiin qof oo noloshoodu ay ka hoosayso diilinta casaanka
ah ee saboolnimada.
Sanadkii
1889 ayay ahayd markii ugu horaysay ee dhidibada loo taagay nidaamka maamul ee
dalkaasi laakiin Nasiib daro ma noqon mid meesha ka saara baahidii xiligaasi
taaganayd ee aqoon darida iyo saboolnimadu ugu horaysay, Maamulo salka ku hayay
nidaam ciidan iyo awood kali talisnimo, Dagaalo sokeeye, aafooyin dhaqaale oo
aan dhamaad lahayn, iyo ganacsato dhiig miirato ah oo ay aafooyinku u noqdeen
wado hantidoodu ku kobacdo ayay Brazil la il darnayd xiligaasi.
Horumarkii Dhiciska ahaa…
Sanadkii
1930 waxaa afgambi ciidan kula wareegay hogaanka dalkaasi - getulio vargas –
askarigan ayaa xambarsanaa fikir uu isbadal horumar ku salaysani saldhig u
yahay, isla markiiba wuxuu bilaabay dhisida barazil cusub oo ku tiirsan wax soo
saarkeeda, wuxuuna yagleelay warshado u suuq geeya wax soo saarka Brazil dalka
dibadiisa, laakiin nasiib daro vargas oo lawgu magac daray aabihii saboolada kuma
guulaysan inuu ka miro dhaliyo isbadalkii uu doonayay, 1956kii Vargas wuu
baneeyay kursigii waxaana badalay - Juscelino Kubitschek – juscelino
wuxuu ku guulaystay mudo aad u yar inuu u badalo barazil dal leh awood wax soo
saar oo aad u wayn, xiligiisi waxay noqotay barazil dal soo saara gawaadhida,
maraakiibta waaweyn iyo warshadaynta alaabaha culus, waxaa la sameeyay
wadooyinkii iyo buundooyinkii ugu badnaa ee dalka laga sameeyo, wuxuu u badalay
tamarta korontada dalkiisa in laga dhaliyo biyaha, sidoo kalena wuxuu ka raray
caasimadii magaalada reo de jenerio oo saarnay xeebta dhacdayna koonaha shishe
ee barazil isagoo u badalay magaalada barazilia ee dhacda bartamaha dalka
barazil si horumarka iyo dib u dhiska dalku uu wada gaaro dhamaan daafaha
brazil, 5 sano oo uu juscelino hogaaminayay dalka barazil ayay barazil ku
talaabsatay horumaro aad u baxad wayn iyadoo mudadaasi ku xaqiijisay kobac
sanadeed lagu qiyaasay 7.9%, wax soo saarka dalkaasina wuxuu kobcay 80%, halka
warshadayntuna ay samaysay horumar lagu qiyaasay 76%, laakiin horumarkaasi
buuraha le eg ma noqon mid sii taagnaada
waxayna ku soo baraarugeen reer barazil horumar mala awaal ah oo ay ku
naaloonayeen, marka laga yimaado dhaqaalaha badan ee ku baxay dhisida caasimada
cusub waxay xooga saartay xukuumadii juscelino
soo saarka alaabo qaali ah, saboolnimada iyo faqriga ka jiray dalka
xiligaasina wuxuu sabab u noqday inuu yaraado dalabkii iibku, waxaana kobcay
daymihii lagu lahaa dawlada 87 million oo lagu lahaa dalka intaanu juscelinio
la wareegin hogaanka ayay tiradu kor ugu kacday 297 million oo doolar 5tii sano
ee uu hayay maamulka, arintani ayaa sabab u ahayd bilowga carada shacabka
iyagoo bilaabay mudaaharadyo lawga soo hor jeedo maamulkii juscelino
hogaaminyay, juscelinio gadaashii barazil ma helin hogaamiye ka soo kiciya godka
mugdiga ah ee uu ku jiray dadkeedu, xukuumad walboo timaada waxay ku
fashilmaysay inay horay u qaado talaabo, afgambiyo aan dhamaad lahayn,
saboolnimo joogto ah, sicir barar gaary 3000%, lacag aan qiime lahayn, jahli,
nadaafad daro, siyaasiyiin calooshood u shaqystayaal ah, ganacsato dhiig
miirato ah iyo dayn 93 bilion ah ayay barazil la daala dhacaysay wuxuuna u
qaybsamay dadkii barazil labo dabaqad dabaqad sabool ah oo aan xitaa nolol
maalmeedkeeda heli karin iyo dabaqad maal qabeeno ah oo aan gaarin 10%.
Bilowgii Rajada:
Horay ayaa loo yiri waydii tijaabiyaha
ha waydiin dhakhtarka, si ay uga baxdo brazil godka dheer ee mugdiga ah ee ay
ku jirtay qarniyo badan waxaa khasab noqotay in la helo qof soo arkay nolosha
dhabta ah ee ay ku noolyihiin dadka saboolka ah oo ah aqlabiyada dadka ku nool
dalkaasi, waxa uuna shacabku doortay inuu noqdo qofkaasi lula da silva, wuxuu
kamid ahaa maalaayiinta dhalinyarada ah ee ku soo koray duruufaha nololeed ee
saboolnimada, ma helin awood dhaqaale oo uu wax ku barto wuxuuna ka tagay
isagoon dhamayn iskool hoose, wuxuu bilaabay inuu shaqeeyo markii uu jiray 10
sano isagoo iibin jiray fuulka galina ahaa baalashle, dhalinyarnimadiisiina
wuxuu ka shaqayn jiray warshad lagu sameeyo biraha taasoo sabab u ahayd inuu
waayo far kamid ah faraha gacantiisa, lula da silva markii uu la wareegay
hogaanka barazil wuxuu ogaaday inaanay barazil haysan lacag la,aan iyo khayraad
la,aan balse khaladku uu ka jiro qaabkii loo maarayn lahaa khayraadkaas iyo dhaqaalahaa,
silva wuxuu bilaabay inuu ahmiyada dawlada u qaybiyo dadka saboolka ah iyo
dadka maal qabeenada ahba halka xukuumadihii ka horeeyay ay xooga saari jireen
kaliya maal qabeenada oo ay aaminsanaayeen inay yihiin kuwa kaliya ee kor u
qaadi kara dhaqaalaha dalka.
Wuxuu adeegsaday qaacido ah kobci
dakhliga dadka saboolka ah si ay iyaguna u kobciyaan dakhliga dalka, wuxuu
bilaabay inuu siiyo dadka saboolka ah mushaar bile ah taas badalkeedana waxaa
lagu khasbay reer walba oo ay dawladu mushaar siiso inay ilmahooda geeyaan
iskoolada, sidoo kale wuxuu sameeyay iskoolo tababaro, jaamacado iyo macaahid
laga furay dhamaan daafaha brazil, wuxuuna ku guulaystay inuu abuuro 20 milion
oo fursad shaqo ah, talaabadani waxay sababtay inay kobocdo awoodii iibsasho ee
dadka dabaqada hoose una badnaayeen baraziiliyiintu taasoo sabab u noqotay inuu
kobco wax soo saarku, sidoo kale waxay meesha ka saartay jaahligii iyadoo dadka
barazil oo lagu tirin jiray dal kamid ah dalalka ugu hooseeya aqoonta ka
dhigtay dalka ugu horeeya latin ameerika aqoon ahaan, 8 sano oo uu joogay lula
da silva maamulka dalkaasi barazil waxay bixisay dhamaan daymihii lagu lahaa oo
ka badanaa 93 billion oo doolar iyadoona noqtay mid kamid ah dalalka siiya
bankiga aduunka daymaha ugu badan, shaqo la,aanta oo ahayd 9.2% waxay hoos ugu
dhacday 6.2%, wax dhoofinta oo ahayd 60.3 bilion ay kor ugu kacday 152.9
billion, halka lacagta kaydka ahna ay kor uga kacday 38 bilion iyadoo gaartay
mudadaasi 275 billion oo doolar, 28 million oo qofna waxay kor uga soo keceen
khadka saboolnimada, halka 63% ay kobocday aadida iskooladu, maalgashiga
dhismuhuna 8daa sano wuxuu kor ugu kacay 63.2 billion oo doolar halka uu ahaa
markii hore 7 bilion oo doolar.
8 sano kaliya ayaa ku filnayd lula da
silva si uu dal la il darnaa saboolnimo ugu badalo dalka 6aad ee ugu dhaqaalaha
badan aduunka.
Qofna Ma Awoodo Gurashada Miro aanu Beeran
8 sano kadib lula da silva wuxuu ku
wareejiyay talada dalkaas delma rosef oo ay shacabku u doorteen inay badasho
booskiisa waxaana soo idlaaday 8 sano oo uu lula da silva ku qoray magaciisa
qaluubta reer barazil barayna caalamka inaanay jirin umad aan isbadali karin
saboolnimada iyo jahliguna ay yihiin aafooyin laga talaabsan karo hadii la helo
go,aan iyo hogaan, Hadaba Ma heli doonaa hadii aan nahay somali hogaamiye sida
lula da silva xaliya dhamaan dhibaatooyinka aan dhex dabaalanayno.
Ugu Dambayn Ogow Akhriste in Qof walbaa gaari karo Meesha uu u Hanqal Taagayo hadii uu la yimaado Dulqaad iyo Shaqo Joogto ah, Duruuf walboo ku haysatana awood uma lahan inay kuu diido gaarida meesha aad rabto

0 Comments
Post a Comment