Horumarka iyo guushu waxay kamid yihiin waxyaalaha ugu badan uguna muhiimsan ee uu u hanqal taago aadamuhu, inaad noqotid qof horumar ka sameeyay noloshiisa, ku tiirsan naftiisa, gacan qabta dadka ku hareeraysan, sidoo kalena wax ku soo kordhiya bulshadiisa waa riyada aynu kawada siman nahay dhamaanteen halganka iyo loolankana aan ugu jirno, laakiin Nasiib daro 10% kaliya aadamaha ayaa ka gaara nolosha horumarka ay ku taamayaan, halka inta soo hartay ay ku fashilmaan hardanka nolosha. hadaba Maxaa dib u celiya se maxaa sababa fashilka nolosha muuqaalkeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa 10 wax oo Sabab u Noqda Fashilka iyo Dib u dhaca Nolosha.
- Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle: Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.
- Jooji inaad naftaada been u sheegto: Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono marwalbana aan u sheegno hadalo ka fog riyo iyo mala awaal.
- Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun: Noloshu way ka gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada noloshaadana aan waxba ku soo kordhin. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa halka kan fiican uu sabab u noqdo guushaada kuguna dhiiri galiyo qaadida tubta toosan.
- Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – inaad ka cararto ama aad ka gabato dhibaatada waxay kamid tahay sababha soo dadajiya guuldarada Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.
- Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.
- Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd, ka fogow xaasidnimada kana dheeroow eegida dadka kale kana dhigo naftaada mashquulkaaga koobaad waa hubaal inaadan waqti u helayn eegida dadka kale.
- Jooji caajiska, wahsika & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan oo ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh
- Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeyntii.
- Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale aad ka raadiso: Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa farxad.
- Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta, ilow wixii hore dibna u bilow nolol cusub oo ay u tahay guushu saldhig shaqaduna darbi ay u tahay waxaa hubaal ah inaad dhaayahaaga ku arki doontid isbadal aadan rumaysan.
Ugu Dambayn ogow akhriste in wadada guushu ay tahay wado aad u dheer u baahan dhabar adayg iyo dulqaad, qodxaha yaal wadaadsna aad ku dhaafi kartid qorshe iyo yool cad oo kaliya.
1 Comments
ماشاء اللة ألله يحفظك
ReplyDeletePost a Comment