Inuu leeyahay Qofku Yool iyo Hadaf Qeexan waxay Ka mid tahay waxyaalaha ka qayb qaata Guusha, Soona Dadajiya in qofku uu gaaro Nolosha uu kuu Naaloonayao, Hadaba Suaasha is waydiinta mudan ayaa ah Qaabkee Qofku u dajisan karaa Qorshe wax ku ool ah si uu uga miro dhaliyo Yoolasha uu dajistay?

Dadka intooda badani way yaqaanaan sida ay u dejistaan ahdaaf nololeed oo ku salaysan habka - SMART -, laakiin dhibaatada ay waajahaan ayaa ah wadiiqadii ay u mari lahaayeen gaaritaanka hadafkooda nololeed.

Qofku inuu leeyahay xamaasad ayaa ah natiijada koowaad ee bilowga wanaagsan, laakiin waxaa dhacaysa inta badan in xamaasaddaasi Yaraato oo noloshii caadiga ahayad ka adkaato, taasoo sababaysa inuu kaa sii fogaado hadafkaagu.

Daraasaad la sameeyay ayaa sheegaya in 10% ay dadku dareemaan iney hadafkii noloshooda xaqiijiyeen, Halka inta soo hartayna Nasiib daro aysan Xaqiijin Yoolashii iyo Hididiiladii ay ka lahaayeen Nolosha.


Hadaba, sideed u sameyn kartaa khariidad kuu Suurtaggalinaysa inaad hadafkaaga nolosha xaqiijiso? Haddii aad Diyaar tahay oo ay kaa dhab tahay, waxaad u baahan tahay wadiiqo aad marto, qodoboadan soo socdanaha waxaan kuugu soo bandhigaynaa sidaad hadafkaaga nololeed ku beegsan lahayd oo aad ku gaari lahayd:

Ku Dadaal inaad Yeelato Yoolal (SMART) ah:

Ahdaafta SMART-ka ah ee  wakhtiga go’an leh waa kuwa guusha lagu gaaro.
Hadafka SMART waxaa loola jeedaa:
- S - Hadaf go’an, tusaale ahaan; “Waxaan doonayaa inaan hanti yeesho” waa hadaf guud oo aan Caddeyn, laakiin markaad tiraahdo “Waxaan doonaya inaan helo $10,000 bishii, waa hadaf xadidan oo go’an.

- M - La Qiyaasi Karo: Hadafka aad gaareyso waa inuu yahay mid la qiyaasi karo oo kolba halka aad gaartay aad qiyaasan karto.

- A - La Gaari Karo: Waxaa Hubaal ah in marka aad sameysato hadaf aan la gaari karin, niyad jab mooyaane wax kale aadan ka dhaxleyn Sida Tusaale ahaan inaad dhahdo 2 sano gudahood baan Guri wayn ku iibsanayaa adigoo Qaata Mushaar $500 ah, Hadaba si aad u xaqiijisid Yoolkaaga waxaa khasab ah inuu Noqdo mid aad gaari kartid adigoo eegaya awoodaadu inta ay le egtahay.

- R - Noloshaada xiriir la leh: Hadafkaaga Noloshu waa inuu la jaanqaadi karaa noloshaaada caadiga ah.

- T - Wakhti go’an lagu gaari karo.

Dhammaadka ka bilow, kadib si tartiib ah ugu soo laabo bilowga si aad u xadayso marxaladaha kala duwan ee hadafkaagu marayo.
Eeg wakhtiga aad haysato iyo hadafka aad dooneyso inaad gaarto, sameyso ahdaaf yaryar oo kan weyn aad ku gaarto, tusaale; haddii aad dooneyso inaad 6 bilood ku uruuriso $10,000, sameyso ahdaaf yaryar oo isku day inaad bishii hesho dakhli ku dhaw $2,000 oo dollar si saddexda bilood ee ugu horreysa aad u gaarto $5,000.
Saddex bilood ee ugu horreysa ayaad ku kala baranaysaa wadada saxda ah ee aad hadafkaaga ku gaari karto.

  • Xadee Arrimaha Lagama Maarmaanka ah ee loo Baahan yahay. Marka aad doonayso inaad lacago badan hesho waa inaad hesho waddooyinka aad dakhiligaaga ku kordhin karto.
  • Shaqooyinka aad qabaneyso wakhti go’an u yeel. Markii ay kuu kala caddaato shaqooyinka aad doonayso inaad qabato si aad hadafkaaga ku gaarto, waxaa muhiim ah inaad howlahaa wakhti go’an u samayso, haddii kale waad is dhigaynsaa oo maalin kasta sida ay maalin kale kuugu riixayso ayaad hadafkaaga iyo naftaada gabaysaa.
  • Fulin: Markii aad tallaabo kasta oo qorshe ah soo dhameyso waxaa lagaa rabaa  inaad fulinteeda ku dhaqaaqdo, waana tallaabada ugu muhiimsan.
Ugu Dambayn: 
Marwalba Naftaada si gaar ah ula xisaabtan oo ula soco horumarka ay samaynayso, bil kastana xilli go’an oo aad naftaada ku xisaabiso samayso, haddii horumarkii aad u baahnayd aadan gaarayn, bedel Qorshaha adigoo eegaya halka uu khaladku ku jiro kadibna ka saaraya.


Masaafada u dhaxeysa Riyadaada iyo Runta waxaa la yiraahdaa Ficil. Ha sugin in waqtiga sax kuu noqdo si aad is bedel u sameyso. Ka bilow halka aad ku sugan tahay, waxa aad heysato iyo Hadadan la joogo.