Uma Iman Halkan si aan u noqdo aamusane, waxaan u qaaday xilkan si aan u noqdo qf u dooda dadka aan matalo xaqiiqdana daaha ka fayda
Waxay ku tilmaamaan taageerayaasheedu geesiyad aan la gaban
aragtideeda, halka mucaaradkeeduna oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maraykanku ay
ku tilmaamaan inay lid ku tahay wada noolashaha dadka maraykanka ah oo ay
yuhuudu ugu horayso, waxay noqotay gabadhii ugu horaysay ee madaw ah ee xubin
ka noqota golaha sharci dajinta dalka maraykanka iyadoo mudo aad u yar ku
hanatay taageerada kumanaan ku kala nool daafaha caalamka, waxayna noqotay
siyaasiyad ay inta badan hadal hayaan saxaafada caalamku, Qormadeena maanta
waxaan uga hadlaynaa hayaankii dheeraa ee ay ilhaan Cumar usoo gashay gaarida
Meesha ay joogto maanta.
Ilhan Cumar sanadkii 1981 ayay ku dhalatay magaalada
muqdisho, ilhaan nasiib uma yeelan inay caruurnimadeedii ku qaadato dalkeeda
hooyo waxay iyadoo 9 sano jirta ula qaxday reerkeeda dalka keenya, waxayna ku
noolayd halkaa 4 sano oo ay ku noolayd nolol qaxootinimo hoyna ay u ahaayeen
kaamamka dalkaasi kenya.
Sanadkii 1995 ayay ilhan nasiib u yeelatay inay aadan iyada
iyo reerkeedu dalka maraykanka, waxayna bilowday barashada luqada englishka
iyadoo markii ay 14sano jirsatay noqotay turjumaan si ay nolosha qoyskeeda qayb
uga kabto, sidoo kale shaqadeeda turjumaanimo waxaa u dheerayd barashada
culuumta siyaasada.
Ilhaan Yaraanteediiba waxay door muuqda ku lahayd bulshada
dhexdeeda iyadoo u doodi jirtay xuquuqda aadamaha sidoo kalena u ololayn jirtay
helida xuquuqda dumarka qaxootiga ah ee ku nool dalka maraykanka.
Sanadkii 2012kii ayay ahayd markii ugu horaysay ee ay
bilowday ilhaan cumar galida caalmka siyaasada, waxayna maamule ka ahayd Ololayaal
Doorasho oo dhawr ah oo ay samaysteen musharixiin ka soo jeeda xisbiga
dimuqraadiga, dhamaan ololayaashaasna waxay ilhaan sabab u ahayd guushooda
taasoo sabab u noqotay inuu kor u kaco magaca ay ku dhex leedahay xisbiga
dhexdiisa.
Bilowgeedii Siyaasadeed:
Sanadkii 2016kii ayay ku guulaysatay ilhaan inay xubin ka
noqoto golaha Baarlamaanka ee gobolka minesota, tani oo noqotay guushii ugu
horaysay ee gabar qaxootinimo ku soo gashay dalka maraykanka ay ka gaarto
siyaasada dalkaasi, sidoo kalena talaabada ilhaan waxay dhiiri galin u noqotay
gabdho badan oo lahaa han siyaasadeed laakiin cabsi ay ka qabaan cunsuriyad iyo
kala sooc aan ugu dhiiran inay rumeeyaan riyooyinkooda.
Labo sano uun kadib waxay mar labaad ilhaan magaceeda ku
qortay safxad kamid ah safaxadaha taariikhda dalka maraykanka iyadoo noqotay
gabadhii ugu horaysay ee xijaaban sidoo kalena ah muslim oo xubin ka noqota
golaha ugu sareeya dalkaasi ee sharci dajinta.
Guusha ilhaan bilowgiiba waxay ku soo jeedisay indhaha
caalamka, gaar ahaan indhaha bulsho waynta islaamka oo aaminay inay heleen qof
ku matala golaha baarlamaan ee ugu saamaynta badan caalmka, ilhaan oo aanay ka
soo wareegin doorashadeeda sanad waxay ku guulaystay inay saamayn aad u weyn ku
yeelato caalamka gaar ahaan dalka maraykanka, waxay noqotay qof inta badan
warbaahinta caalamku ay hadal hayso, sidoo kalena aan ka bixin maanka
madaxweynaha maraykanka oo ay ilhaan noqotay xildhibaanada kaliya ee si cad
marwalba dhaleecayn ugu jeedisa trump iyo israel.
Waxay kulansatay inay tahay Gabar, Islaam, Qaxooti iyo inay
ka soo jeedo qaarada afrika waana sifooyinka uu neceb yahay trumb.
Hayaankii dheeraa ee ka soo bilowday kaamamka qaxootiga ayaa
ka dhigay ilhaan mid kamid ah haweenka ugu saamaynta badan siyaasada dalka
maraykanka xiligan.
0 Comments
Post a Comment