Sanad walba Marka la Gaaro xiliyadan waxaa caado ah in ardaydu isku diyaariyaan Galida imtixaanaadka gunaanadka u ah sanad dugsiyeedka, waxaa bilowda diyaar garow iyo dadaal dheeraad ah oo ay ardaydu ku doonayaan ka guul gaarida imtixaanadaasi si ay uga mira dhaliyaan juhdikii waalid iyo macalin ee lala soo garab taagnaa mudadaasi sanadka ah, sidoo kale waxaa barbar socda diyaar garowkaas welwel iyo walbahaar soo wajaha ardayda badankooda kaasi oo ay ka qabaan imtixaanka galidiisa walwalkaasi oo ka dhiga ardayda mamarka qaar kuwo ka niyad jaba imtixaanka cabsi dheeri ahna soo wajahdo, Qormadeena maanta waxaan ku eegaynaa sida ugu haboon ee aad u maarayn kartid waqtigaaga maalmaha imtixaanka ka horeeya iyo sidoo kale sida aad ugu diyaar garoobi kartid galida imtixanka.


Naftaad Aamin

Kalsoonida naftaadu waa furaha koowaad ee wax walba ku gaarsiin kara o haddi aad hanota ay wax walba kuu hagaagayaan, haddii ay kaa luntana aysan cidkale kusiinkarin. 

Haddi aad cidkale ka sugayso inaad ka hesho caawinaad dhanka Imtixaanka ah waligaa ka bixi maysid walwal Imtixaaneedka, hadaad mar sidaas ku gudubtana ogow in mararka danbe ay dhib kugu noqon doonto.

Muraajacada Ka Hor: 


Isku day inaad xog uruurin ku samayso dhamaan macluumaadka ku saabsan maadada aad muraajacaynaysid, Buugtii aad ku qoran jirtay maadadaas, buug ay lahaayeen arday kaa horaysay, imtixaano horay loo qaaday, iyo hadii ay jiraan sawiro ama muuqaalo kaa caawin karaya fahnka maadadas si waqtigaaga muraajacadu aanu kaaga lumin raadinta xogtaasi.


Kala Qorshaynta Maadada: 

Marka aad soo diyaarsato xogta iyo macluumaadka maadada aad muraajacaynaysid talaabada ku xigta ee aad qaadaysid ka dhig qorshaynta qaab muraajacaynta maadadaas, adigoo u qaybinaya maadada Cutubyada ay ka kooban tahay kadibna Cutub walba sida ay u kala fudud yihiin u akhri, hana ilaawin inaad buug gaar ah ku qoratid cutub walba qodobadiisa ugu muhiimsan si ay hadhow kuugu sahlanaato inaad kor mar ku samayso gabagabada muraajacadaada.

Dhibka aad lakulanto markaaba xalli:  


Haddi ay dhacdo inaad fahmi wayso maadoyinka qaar cashara kamid ah raadi caawinaad sida inaad gooni ula kulanto macalinka maadadaas dhigaya ama inaad arday kale o fahamsan aad caawinaad waydiisato si aad u fahmto waxa kaa maqan. Tani waxay kaa yarayn kartaa dhibka aad kala kulmi lahayd marka aad murajacada samaynayso waqti badana kaaga lumi maayo muraajacada wax aadan fahan sanayn.

Samayso Saaxiib Wanaagsan:

Waxaa wanaagsan inaad leedahay saaxiibo wanaagsan oo aad wax isla muraajacaysaan xiliyada imtixaanka si aad iskula turxaan bixisaan waxyaabaha mugdigu ku jiro, Tani waxa ay sara u qaadaysaa fahamkaaga ku saabsan maadada aad ku samaysaan dib u eegida waxayna ku soo laabanaysaa maskaxdaada marwalba.

Qorshayso waqti kugu filan oo aad wax akhrisato: 

Qorsha fiican u samayso wax akhrinta, sida inaad maalin walba samayso  30 daqiiqo o wax akhrish ah, kaddibna aad Nasasho yar qaadatao hadana aad 30 daqiiqo oo kale aad dib wax u akhriso. Arinkan waxa uu kaa caawin doona in marka Imtixaan la gaaro aadan waxba ka walwalin. 
Nasasho qaadashadu waxay yaraynaysaa inaadan caajisin maskaxduna ay nasiina yar hesho o ay dib ugu karaar qaadato. 
Jadwal u yeel wax aqriskaaga haba yaraade o ku dhaqan waqtiga aad calaamadaysatay inaad wax akhrisato iskuna day in maalamha ka horeeya imtixaanka ay kuu noqdaan maalmo talaabo walba oo aad qadaysid ay kuu qorshaysan tahay.

Samayso waqti gaar ah oo aad saaxibadaada la Qaadatid: 


Mar walba hadulfadhin buuga waqtigaagana ha ku soo koobin mid wax akhris kaliyaa uu camal u noqdo, waxaad siisa naftaada waqti aad la qaadato saaxibadaa banaankana aad u raacdo. Arrinkaa waxa u kaa caawinayaa inaad isku dheeli tirto hab nololeedkaaga waxa uuna si guud kaaga yaraynayaa culaysyada nolosha ee kugu imaan kara, waana inaad leedahay saaxiibo aad isku hadaf tihiin oo aad waqtiyada wanaagsan isla qaadataan.

Abaalmari Naftaada: 



Ugu dambayn ogsoonow akhriste in naftaada oo aad abaal marisid ay qayb ka qaadanayso inaad ku dhiiratid muraajacada, sidoo kalena aadan ka caajisin joogtaynta wax akhriska, abaal mari naftaada dareensiina inay talaabo wayn horay u qaaday.