Marka aad dib u akhrisid dhigaalada ma hadhooyinka ah ee umadi lahayd waxaad arkaysaa in umad walba ay leedahay halyeeyo magacooda ku qoray baalal dahab ah, kuwaasoo ka tallaabsaday caqabado faro badan oo soo waajahay, Marka aan ka hadlayno dalka malaysiyana waxaa hubaal ah in mahaatiir maxamed uu yahay horseedihii iyo yagleelihii malaysiyada maanta hormuudka u ah dhaqaalaha qaarada asia, waxaa hubaal inuu yahay ruux umada uu ka dhashay Caruur ilaa Ciroole ay wada jecel yihiin kuna faanaan, waxa uu u noqday dayax ay iftiinsadan iyo Damal hadh wayn oo ay hadhsadaan. waxay ula baxeen magaca “Aabihii horumarka Malaysia” wuxuuna tusaale u noqday Hogaamiye walba oo u hanqal taagaya horumarinta dalkiisa.

Mahatir Maxamed - Sanadkii 1925kii ayuu ku dhashay dalka malaysia gaar ahaan gobolka kedaah, waana inanka ugu yar sagaal caruura oo waalidkii dhalay iyadoo aabihii ahaa Mohamad bin Iskandar oo asalkiisu ka soo jeeday dadka hindida ah ee wadankaa ku nool, halka hooyadii wang tang ay ahayd haweenay ka soo jeeda dadka maalayga ah, aabihii waxaa uu ahaa macalin wax ka dhiga dugsiyada hoose ee dalka malaysia ,nasiib xumana uma suurto galin inuu xaqiijiyo riyadii inankiisa yar ee ahayd inu u helo baskiil uu iskoolka ku tago dakhligiisa oo hooseeya daardii.
Xiligii uu socday dagaal waynihii labaad ee aduunka Mohathir oo xiligaa qaangaadhay waxaa uu wadooyinka wareejin jiray oo uu ku iibin jiray muuska iyo waxyaabaha yar yar ee la dubo si uu uga soo saaro biilka maalin-laha ah ee qoyskooda, tacliinta sare waxaa uu ka bilaabay kuliyada abdul hamit ee dalkaasi malaysia kadib waxaa uu ku wareegay oo cilmiga caafimaadka oo uu ka bartay kuliyada malaya ee dalka Singapore, sidoo kale waxa uu xidhiidhka caalamiga ah ka bartay jaamacada Harvard University ee ku taala dalka maraykanka oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1963kii , intaa ka dibna waxaa uu ku shaqayn jiray xarun caafimaad oo uu gaar u lahaa taas oo uu si bilaash ah ugu dawayn jiray dadka saboolka ah , mohathir mohamed waxaa uu si aad ah caan ugu noqday sida uu ahmiyada u siin jiray siyaasadihiisii iyo aragtiyihiisii isagoo bilowgiiba ku biiray ururkii midnimada malaysia , isagoo muda yar gudaheed kamid noqday xubnaha ugu muhiimsan ururka.
Dhanka dalka Malaysia hadaynu eegno wixii ka horeeyay hogamintisii waxaa uu dalku ahaa mid dadkiisa badankiisu ay ku nool yihiin dhulka tuulooyinka iyo kaymaha dhexdooda , dakhliga celcelis ahaan qofkii soo galaana uu sanadkii ahaan jiray qiyaastii 1000$ doolar, iyadoo inta badan qoysaska wadankaasi ay la tabaalaysnaayeen saboolnimo baahsan sidoo kalana ay jireen iska hor imaadyo diineed xili ay dadka wadankaasi aaminsanaayeen ilaa 18 caqiido oo kala duwan, waxayna u qaybsanaayeen qawmiyado uu asalkoodu kala duwan yahay sida maalay, hindi, Chinese iyo qawmiyada kale oo laga tiro badnaa.

Galitaankiisii Saaxada Siyaada:


Mohatir Mohamed noloshiisii siyaasadeed waxay bilaabatay sannadkii 1970kii , markii uu qoray buug uu ugu magac daray "Boqno go'a qowmiyada malayga" kaas oo uu aad ugu dhaliilay dadka malayga kuna dhaliilay caajis, waxyar ku qanac, iyo in ay ka gaabiyeen sidii ay horumar ugu fikiri lahaayeen, xilligaas waxa uu xubin ka ahaa xisbigii markaas talada hayay, waxaana xisbigu go'aamiyey in buugga uu qoray Dr.Mohatir aan la daabacin lana fidin si aanu dadka u gaadhin iyaga oo ku eedayay in buuggu yahay mid khalkhal iyo nacayb abuuraya, Mohatir Mohamedna waxay kasoo qaadeen wiil dhalinyaro ah oo xagjir ah fikir qaldana wata, waxaanay soo jeediyeen in qoraaladiisa la xayiro. Mohatir waxa uu ku qanciyey hoggaankii xisbiga awoodihiisa iyo kartidiisa siyaasadeed, kama u cadhoon xisbigana kama uu tagin lakin wuu u dhabar adaygay ilaa uu ku guulaystay inuu matalo xisbiga una tartamo kursiga raysal wasaare ee dalka oo uu sanadkii 1981kii ku guulaystay inuu hanto jagada raysal wasaarnimo ee dalkaasi, wuxuuna nasiib u helay fursad uu aragtiyiihiisii iyo fikirradiisii siyaasadeed ugu bedelo xaqiiq. 
Mohathir Mohamed oo si wayn loogu yaqaanay gacan ku haynta iyo kasbashada kaadiriinta xisbigiisa ayaa taasi waxay keentay inuu xilka raysal wasaarenimo hayo mudo 22 sanadood ah , waxaana xiligaa dheeri u saamaxay inuu hirgaliyo hamigiisii ahaa inuu Malaysia ka dhigo wadan aan ku tiirsanayn wax soosaarka beeraha oo kaliya laakiin noqda dal hanaanka warshadaha iyo adeegyada 90% ka noqdaan wax soosaarka gudaha iyadoo natiijadii ka dhalatay isbadalkaasi ay keentay in tirada dadka saboolka ah ee wadankaasi oo ahaan jirtay 52% ay sanadkii 2002kii  noqdeen wax ka yar %5 oo kaliya halka sidoo kalana dakhligii qof ahaaneed ee sanadkii ahaan jiray 1000$ uu sanadkii 2002dii gaadhay ilaa 9000$ qofkiiba .

Dr Mahatir horaantiiba markii uu la wareegay maamulka dalkaasi wuxuu bilaabay dajinta qorshe cad oo lagu jaan goynayo mustaqblka dalkiisa, wuxuu jeexay wadada la marayo wuxuuna diraaseeyay natiijooyinka la filan karo kadibna wuxuu la wadaagay dadkiisa isagoo u sheegay in mustaqblka malaysia uu ka bilaabmayo kobcinta aqoontooda, wuxuu u jaangooyay waxbarashada miisaaniyada ugu badan isagoo furay iskoolo iyo macaahid aad u badan gaarsiiyayna waxbarashada dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaasi, isagoo sidoo kale u diray kumanaan arday ah dalka dibadiisa si ay wax u soo bartaan iyagoo ay dawladu damaanad qaaday noloshooda mudadaas ay waxbarashada ku maqan yihiin, kadib wuxuu u soo jeestay wax soo saarka dalkiisa isagoo kobciyay wax soo saarka beeraha mudo labo sano ah gudaheeda waxay ku beereen 1 million oo geed taasi oo ka dhigtay malaysia mudadaasi kooban gudaheed dalka ugu badan ee dhoofiya saliida, sidoo kale waxay bilaabeen horumarinta dalxiiska iyadoo dakhliga dalxiiska ka soo xeroonayay oo ahaa 900 oo million uu kor ugu kacay 33 billion sanadkii 20 sano gudaheed, sidoo kale mahatir maxamed markii uu xilka qabtay malaysiya waxay lahayd 5 Jaamacadood oo kaliya, markii u ka dagay xilkana waxay ay gaareen 80 Jaamacadood oo 40 ka mid ah xukuumaddu leedahay.

22 sano oo uu hogaaminayay malaysia mahatiir maxamed wuxuu sanadkii 2003dii baneeyay jagadii raysal wasaarnimo ee dalkaasi isagoo sheegay in malaysia ay u baahan tahay hogaan iyo afkaar cusub, sidoo kalena intaanu ka dagin xilka wuxuu yagleelay hiraal uu hiigsanayo dalkaasi kaasi oo lawgu magac daray malaysia 2020, iyadoo loo jaangooyay in malaysia ay noqoto sanadka 2020 mid kamid ah 3da dal ee ugu dhaqaalaha wayn qaarada asia sidoo kalena ugu hormarsan.

15 sano kadib markii uu wareejiyay xilka raysal wasaarnimo ee dalkaasi wuxuu sanadkii 2018kii dib ugu soo laabtay hogaanka dalkaasi oo mudooyinkii dambe dibu dhac dhaqaale uu ku yimi taasi oo wadada u xaartay inuu dib u soo rogaal celiyo ruug cadaagan xambaarsan kalsoonida iyo kal-gacaylka shacabkiisa.