Waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah salaadiintii ugu saamaynta badnaa ee soo maamulay dunidan, magaciisu waxa uu baqdin iyo argagax ku beeri jiray boqoradii reer galbeedka, 46 sano oo uu xilka hayey boqor Sulaymaan Al-qaanuuni waxaa lagu tiriyaa inay ahayd xiligii dowladda Cusmaaniyiintu ay ugu awooda badnayd. Waxaana loo yaqanaa waqtigii dahabiga ahaa, Goboladii dowladdii Cusmaaniyiintuna waxay ku faafsanaayeen saddex qaaradood.   

Sulayman ibnu Saliim  Al-qanuuni waxa uu ku dhashay sanadkii 900aad ee hijriga magaladad Taraabsuun, xiligaas oo uu aabihii ka talinayey magaladaa. wuxuuna aabihii yaraantiisiba xooga saaray barbaarintiisa isaga oo culuum kala duwan baray kuwo Diini iyo Cilmiga hogaaminta iyo maamulka isugu jirayba. Xilka wuxuu qabtay isagoo jira 26 sano, da’ yaraantiisaasi waxay ka dhigtay mid ula muuqday boqoradii yurub iyo madaxdii hoos tagi jirtay saldanadii cismaaniyiinta hogaamiye ay sahlan tahay in laga adkaado marka loo eego da, yaraantiisa iyo khibrad la,aantiisa laakiin sulaymaan al qaanuuni ma noqon sidii ay ka filayeen.

Kacdoonadii uu dabar gooyay suldaan sulaymaan Bilowgii Xukunkiisa:

Sanadahii ugu horeeyey ee xiligii sulaymaan Al-qaanuuni wuxuu wajahay afar kacdoon oo ka mashquuliyey dhaqdhaqaaqii jihaadka iyo dajinta qorshe cusub oo uu ku hogaaminayo Dawlada uu Hogaamiyaha u noqday. Kuwaas oo Gudoomiyaashii qayb ka mid ah ay moodeen inay heleen  fursad ay kaga go’i karaan dowlada Wiilka dhallinyaradi ahi hogaaminayo, kacdoonadaasna waxaa kamid ahaa:
Kacdoonkii Shaam: Waxaa Hogaaminyay waaligii xiligaasi cismaaniyiinta u fadhiyay shaam Jaam Baras Qasaali, wuxuu ku dhawaaqay inuu kasoo horjeestay dowladda, wuxuuna isku dayey inuu qabsado Xalab laakiin uma suurta galin. Wuxuuna amray Sulaymaan Al-qaanuuni in la damiyo fitnada uu wadey qasaali, waxaana madaxiisa loo diray Istanbuul Iyadoo cadayn looga dhigayo inuu dhamaaday kacdoonkii.
Kacdoonkii Masar: waxaa sameeyey Axmad shaah kaasoo waligii jeclaa in loo dhiibo xilka (SADRUL ACDAM oo ahaa xilka ugu sareeyey ee uu qof ka  qabta dowlada cusmaaniyiinta  wuxuuna hada xilkaas u dhigmaa Raysal Wasaare). Laakiin kuma guulaysan inuu hadafkiisa gaaro, wuxuuna codsaday in loo doorto gudoomiyaha Masar, markuu Masar tagay  wuxuu isku deyey inuu dadka dhiniciisa u soo jeediyo wuxuuna naftiisa u doortay boqor gooni ka ah boqortooyadii cusmaaniyiinta, laakin dadkii cilmiga lahaa iyo ciidamidii dowladda cusmaaniyiinta ma aysan aqbalin wayna dileen.
Halka kacdoonadii 3aad iyo 4aadna ay sameeyeen hogaamiyaaal shiico ah kuwaasoo iyaguna maray wadadii ay mareen kuwii ka horeeyay.
Kadib markii uu Dhamaaday Dagaalkii uu Sulymaan la Galay Kacdoonadaas wuxuu bilaabay Qorshe uu ku yagleelayo Dawlad ka awood iyo cudud wayn tii uu ka dhaxlay aabihii, wuxuu jideeyay qawaaniin iyo go,aamo cusub oo uu sal uga dhigay ilaalinta kala dambaynta iyo haybada Dawladii Cismaaniyiinta, Qawaaniintaasi badan ee uu jidaynayay sulaymaan waxay sababtay in lawgu naanayso al-qaanuuni.

U Hayaankii Yurub:

Kadib markii uu dibu habayn ku sameeyay maamulkii gudaha wuxuu u jihaystay sulaymaan al-qaanuuni dhanka yurub oo xiligaasi loolan adag kula jirtay cismaaniyiinta, waxaana xiligiisii ku soo biiray ciidamadii bada khayra diin barbaroosa oo hogaamiye u ahaa koox weeraro ka geysan jirtay xeebaha dhaca spain iyo maraakiibta reer galbeedka, wuxuuna yagleelay sulaymaan awood ciidan oo uu khayra-diin uga dhigay hogaamiye taasoo weeraro iyo furashooyin ka samayn jirtay xeebaha ku yaala yurub waxayna door wayn ka qaateen furashada magaalooyin waaweyn oo dhaca xeebaha yurub taasoo siisay saldanadii cismaaniyiinta awood cabsi ku beertay reer yurub heer boqorkii france uu ka codsaday cismaaniyiinta inay ka caawiyaan furashada magaalada Niis oo xiligaasi fransiiska laga xoogay, sidoo kale awoodaasi ciidan waxay ka caawisay cismaaniyiinta inay gacan ku yeeshaan mariin biyoodyada dhaca masar iyo bariga afrika taasoo ka dhigtay dawladii cismaaniyiinta mid maamusha dhaqdhaqaaqa ganacsi ee aduunka.

Dagaalkii Mohács: Dagaal aan ka Go'ayn Maanka Yurub

Waxaa lagu tiriyay mid kamid ah dagaaladii ugu waawaynaa ee ka dhacay dunidan sidoo kalena ugu yaabka badnaa, Saacad iyo Bar gudaheed waxaa lagu cirib tiray ciidan dhan oo kor u dhaafaya 200 oo kun askari iyo boqorkoodii waxaan lagu furtay dhul lagu tiriyo kuwii ugu difaaca adkaa yurub.
Sanadkii 1526kii ayuu la wareegay Xukunka dalka hungry boqor la dhihi jiray Veladislav II wuxuuna go,aan ku gaaray inuu joojiyo lacagtii uu siin jiray dawladii cismaaniyiinta taas badalkeedana wuxuu dilay Ergaygii uu u soo diray suldaan sulaymaan taasi oo sababtay carada suldaan sulaymaan wuxuuna amray in loo diyaar garoobo dagaal lagu cirib tirayo boqorka hungry xukunkiisa, 21 kii rajab sanadkii 932dii hijriga ayuu ciidan uu hogaaminayo suldaan sulaymaan kana koobnaa 100,000 oo askari 300 madfac iyo 800 oo markab u soo baqooleen dhanka dalka hungry, sidoo kale boqorkii hungry wuxuu isna u soo baxay difaacida dalkiisa isagoo hogaaminayay ciidan gaaraya 200 oo kun oo askari sida muuqata ciidamada hungray waxay labo jibaar ka badnaayeen ciidamada cismaaniyiinta waxayna 128 maalmood kadib ku kulmeen toga mohacs ee dhaca koonfurta dalka hungry.
Aroornimadii 12kii dil qacda 932dii hijriga salaadii subax kadib ayuu bilaabad suldaan sulaymaan inuu khudbad xamaasadeed u jeediyo ciidamadiisa wuxuuna ku dhiiri galiyay jihaadka isagoo ku soo gabagabeeyay khudabadiisa ka soo qaada inay maanta idiin jeeday ruuxdii nabiga scw taasoo sababtay ilinta ciidamadii cismaaniyiinta kana dhigtay kuwo ku dhiirada dagaalka .
Casarnimadii ayay bilaabeen ciidamadii hngry inay soo weeraraan ciidamada cismaaniyiinta waxayna isku qaybiyeen ciidamadii cismaaniyiintu sadex qaybood oo kala dambaysa, kooxda hore waxay ka dhigeen ciidamadii fardoolayda ahayd kuwaasoo shaqadoodu ay ahayd inay iska caabin yar ku sameeyaan ciidamadii hungry kadibna ay dib u soo cararaan, halka kooxda labaad iyo sadexaad oo ahayd ciidanka intiisa ugu badana ay ku sugayeen ciidamada hungry wabiga koonihiisa markii ay dib u soo rogaal celiyeen kooxdii koobaadna waxay ku soo dheceen ciidamadii hungray shirqoolkii loo dhigay taasoo ka dhigtay 200 ee kun askari kuwo bakhtiyay, iyo kuwo ku qarqoomay biyihii wabiga xili ay isku dayayeen inay la baxsadaan naftooda, halka 25000 oo askarina la qafaashay, boqorkii hungryna wuxuu isagoo baxsad ah ku bakhtiyay wabiga mohacs, halka ciidamadii cismaaniyiintana ay ka shahiideen 150 askari oo kaliya, waxayna ku soo hooyeen ciidamadii xismaaniyiintu guul lagu tiriyo guulihii ugu waaweynaa taarikhda, guul daradii gaartay hungryna waxay ku noqotay reer hungry mid aan ka go,in maskaxdooda heer ilaa maanta oo laga joogo 400 oo sano dagaalkaasi ay wali reer hungry marka ay dhibaato ku dhacdo ay adeegsadaan oraah oranaysa waxaa igu dhacday mid kadaran mohacs.
Marka laga yimaado haybadii iyo awoodii ciidan ee uu yagleelay 46 daa sano suldaan sulaymaan sidoo kale waxaa lagu tiriyaa xukunkiisii in dawladii cismaaniyiintu ay ku talaabsatay horumar dhanka aqoonta iyo dhismaha gudaha ah, waxaa xiligiisii la yagleelay masaajidadii ugu waaweynaa ee laga fuliyo dhulkii cismaaniyiinta sida masjidka sulaymaaniya, waxaana door muuqda kulahaa xukunka wadaadada diinta heer lagu tilmaamo sulaymaan al qaanuuni hogaamiye aan talaabo qaadi jirin isagoon fatwo waydiisan wadaadadii diinta, markii uu dhintayna wuxuu amaray in lagu ag duugo sanduuq uu ku kaydsan jiray dhamaan fatwooyinkii ay u fatwoon jireen, waxaana ugu weynaa wadaadas wadaadkii la dhihi jiray abuu sacuud afandi oo lahaa kutub badan oo uu ka qoray quraanka iyo culuumta diinta, sidoo kale xiligiisii waxaa so baxay injineero ka yaabiyay caalamka lana yimi dhismayaal aan xiligaasi laga aqoon dunida sida senaan basha oo ahaa injineerkii dhisay qasriyadii iyo masaajidadii ugu waaweynaa xiligii cismaaniyiinta sida masjidka sulaymaaniya ee dhaca qaybta yurub ee magaalada istanbul.
Suldaan sulaymaan wuxuu dhintay sanadkii 1566kii isagoo jooga magaalada siktora oo uu xiligaasi rabay inuu furto go’doona ay ku hayeen ciidamadiisu, wuxuuna ka tagay mid kamid ah dawladihii ugu baaxada iyo haybada waynayd ee uu aadanuhu ka yagleelo dunidan.