Wali
ma ku tiri naftaadu Noloshu way adag tahay?
Ma
is tiri guul ma gaari kartid adigoo eegaya duruufaha sida arxan darada ah kaaga
soo weeraray dhan walba?
Ma
is tiri qaad talaabo oo dib ma u noqotay adigoo ka Cabsanaya Guul Daro?
Ma Eegtay Hareerahaaga oo ma ka wayday wehel aad weheshato inta aad ku jirtid
hayaanka dheer ee Nolosha?
Hadii
ay jawaabtaadu haa tahay akhriste kaalay aan wada akhrisanee sheekada Mid kamid
ah dadka ugu saamaynta badan dunida xiligan ahaana mar aan fogayn qof ku noolaa
saboolnimo dhibna ay ku ahayd helida nolol maalmeedkiisa, kuna noolaa nolol
qaxootinimo iyo duruuf aan dhamaad lahayn kulansatay, halka lagu tiriyo maanta
mid kamid ah dadka ugu hodonsan caalmka.
Jan
Koom 24kii faberury 1976 ayuu ku dhashay dalka ukrain, wuxuuna ka dhashay qoys
sabool ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalkaas.
Jan koom markii uu 16 sano
jirsaday isaga iyo hooyadii waxay u baqooleen dalka maraykanka iyagoo ka
baqoolay nolosha adag ee ay ku noolaayeen, Laakiin nasiib daro kama helin
maraykanka nolol dhaanta tii ay ku noolaayeen taasoo ku kaliftay jaan koom inuu
ka shaqeeyo makhaayad oo uu Nadiifin Jiray, halka hooyadiina ay ka shaqayn
jirtay meel lagu hayo caruurta, sidoo kale jan iyo hooyadii waxay ka qaadan
jireen dawlada lacag yar oo lagu kabi jiray nolosha dadka qaxootiga ah ee ku
nool dalka maraykanka.
Jaan
koom Markii uu 18 sano jirsaday wuxuu bilaabay inuu barto samaynta
applicationda mobilada laakiin duruufta nololeed ee uu ku noolaa uma saamixi jirin
inuu soo iibsado buug uu ka barto, taasoo sababtay inuu soo kiraysto buugaagta
kadib marka uu akhrisatana uu dib ugu celiyo maktabada, mudo yar kadib jan koom
wuxuu ku biiray jaamacada San José State University, sidoo kalena si
uu jaamacada isaga bixiyo una helo nolol maalmeedkiisa wuxuu galin ka shaqyn
jiray waardiyanimo taasoo siisay awood uu ku sii wadi karo waxbarashadiisa.
Bilowgii Isbadalka:
Jaan koom Mudo yar kadib bilowgiisii jaamacada wuxuu shaqo ka
helay Shirkada Yaahoo taasoo sababtay inuu joojiyo waxbarashadii si uu waqti
fiican ugu helo shaqadiisaa cusub, mudadii uu ka shaqynayay yaahoo waxay
isbarteen Brain aktoom oo mudo yar gudaheed ay ku noqdeen saaxiibo aad isugu
dhow, jaan koom iyo barain aktoom oo ka cabsi qabay mustaqblka shaqo ee
shirkada yaahoo ayaa go'aan ku gaaray inay isaga tagaan yaahoo oo ay
aaminsanaayeen inaanay mudo dheer sii jirayn shaqana u raadsadaan shirkada
facebook oo xiligaasi ay ahayd markii ay sida xawliga ah kor ugu soo kacaysay
laakiin nasiib daro Codsigoodii shaqo way ka diiday facebook.
Curashadii Whtsapp:
Bilowgii
sanadkii 2009kii ayuu jaan koom soo iibsaday markiisii ugu horaysay mobaile I
phone ah, xiligaasi applicationada mobiladu uma badnayn sida maanta oo kale
taasoo tustay jaan koom Fursad uu Ku abuuri karo application cusub.
Jaan
koom waxaa markiiba ku soo dhacay maskaxdiisa application xal u noqda lacagta
qaaliga ah ee ku hadalka telefoonka gaar ahaana ku hadalka dibada oo uu
dhibaato wajihi jiray marka uu la hadlayo aabihii oo ukrain joogay.
Wuxuu
bilaabay jaan koom oo caawimaad ka helaya saaxiibkii brain aktoom yagleelida
application cusub oo ay sumad uga dhigeen whtsapp, Labo sano gudaheed waxay
gaareen smsyada la isku dhaafsaday whtsapp 95 billion oo sms, sidoo kale 5tii
sano ee ugu horaysay waxay gaareen whtsapp Dadka ku xiran 950 million oo qof
taasoo ka dhigtay mid kamid ah applicationada ugu isticmaalka badan aduunka.
2014kii
5 sano uun kadib markii la yagleelay whtsapp ayay isla shirkadii diiday inay
shaqaalaysiiso jaan koom ee facebook kula wareegtay lacag lagu qiyaasay 19
billion oo doolar, wuxuuna ku saxiixay hishiiska ay ku kala ibsanayeen isla
goobtii uu ka qaadan jiray lacagta cayrta xiligii ay qaxootinimada ku soo
galeen maraykanka isaga iyo hooyadii.
Maanta
jaan koom wuxuu kamid yahay dadka ugu hantida badan aduunka halka uu shalay
ahaa sabool dalkiisii baahi uga soo cararay. Hadaba ma is waydiisay Akhriste adiga maxaa kaa hortaagan inaad gaadho meesha aad hayaanka u tahay?
Ma dadkaa diiday fikradahaaga?
Dad
badan oo maanta guul ka gaadhay nolosha raadna ku reebay aduunka ayaa la diiday
fikradahooda, Tusaale noolna waxaa inawgu filan Nabi Maxamed SCW bilowgii waa la diiday dacwadiisa laakiin ugu dambayn
waxay noqotay dacwadiisu mid kulmisa balaayiin qof oo ku kala sugan daafaha
dunidan.
Ugu dambayn ogsoonoow akhriste in aaminaada naftaadu ay tahay tan kugu horseedaysa dhabada aad hayaanka u tahay, iska dhaga tir qof walboo isku dayaya inuu curyaamiyo hayaankaaga hana ahaato guushu tan kaliya ee aad u hanqal taagaysid.



1 Comments
ReplyDeleteماشاء الله ألله يحفظك
Post a Comment